Warka maanta ee Radio Hormuud

Wiil 26 jir ah ayaa sheegay in saddex xabbadood lagu dhuftay magaalada Kolding ee dalka Denmark, isagoo carrabka ku dhuftay inuusan isaga ahayn bartilmaameedka weerarkaasi, balse bartilmaameedku uu ahaa saaxiibkiis oo xiriir la leh kooxaha daroogada.

Weerarkan ayaa dhacay bishii Luulyo sannadkii hore, waxaana ilaa hadda uu wiilkaasi  qabaa dhaawac culus oo jireed iyo maskaxeed oo joogto ah. Wuxuu sheegay inuu ka baqo inuu banaanka kaligiis maro, isagoo sheegay inuu hadda uusan awoodin inuu gaariga kaxeeyo dhibaatada dhaawaca awgeed.

Wiilka ayaa maxkamadda ka hor sheegay in qofkii weerarka soo qaaday uu ahaa nin wajiga duubtay, gacmo-gashi xidhan, isla markaana kasoo jeeda Bariga Dhexe inkastoo uu leeyahay dhalashada Sweden.

Waxaa kale oo uu sheegay in isaga laftiisa uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha dembiyada ama kooxaha hubeysan, isla markaana aysan jirin cid uu cadaawad kala dhexeeyo.

Wiilkan oo ilaa hadda la daalaa dhacaya dhaawacyadii soo gaaray ayaa xusay inuu cabsi badan dareemo marka uu maqlo dhawaqyada dheer iyo marka uu arko baabuurta waaweyn tan iyo markii uu dhaawaca soo gaaray.

Ugu dambayn, wuxuu maxkamadda ka codsaday magdhaw dhan 134,000 kroner, iyadoo go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska la filayo inuu soo baxo bisha Luulyo ee sannadkan.

 

Tarjumaada iyo isku dubaridka warka

Mohamed-Amiin Siyad Abdi

 

Category